In ka Badan 40 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqeyn ka Dhacday Gudaha Qaza.

Sep 10, 2024

Maamulka gumeystaha yuhuuda ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyey duqeyntii ugu xooganeed maalmahan oo ay ku shahiideen tobaneeyo ruux oo Filistiiniyiin ah.

Sida lagu soo waramayo ciidanka yuhuuda ayaa aroonimadii hore ee saakay waxay gantaalo ku garaaceen gudaha marinka Qaza gaar ahaan deegaanka Al-Mawasi eek u yaala magaalada Khan Yuunis, waxaana halkaas daganaa xilliga dhacdada boqolaal ruux oo kasoo barakacay duqeymaha yuhuuda ee ka socoda deegaanada kale ee marinka.

Ilaa 40 ruux ayaa mar qura halkaas nafta ku weysay, waxaana jira tira dhaawacyo ah oo gaaraya ilaa 60 ruux oo hada qaarkood lagula talacaalayo isbitaalada marinka, waana sida ay majaldu kasoo xiganeyso qaar kamid ah masuuliyiinta caafimaadka Filistiin.

Waxaa intaasi sii dheer in wali raq iyo ruux toona lagu weysanyahay tobaneeyo ruux oo ku hoos duugmay bacaadka, halka kuwa kalana lagu shakisanyahay in awooda gantaaladu ay dhulka la galeen oo ay sidaas ku shahiideen, balse wali waxaa socda howlaha gurmad ee dadkaas lagu baadi goobayo.

Sidoo kale waxaa wali gubanaya ilaa 20 teedho oo ay dadi ku jireen markii ugu wardambeysay, waxaana suuragaliweysay u gurmashadooda maadaama dabka Meesha ka kacaya uu u baahanyahay dabi xoogan gurmadkuna uu qaadanayo waqti dheer xaaladaha jira awgood.

Maamulka gumeystaha yuhuuda oo ka hadlay xasuuqan uu geystay ayaa sheegay in halkaas u uku beegsaday xubno ka tirsan kooxaha muqaawamda Filistiin, taasoo lagu tilmaamay been abuur cad iyo wada kale oo u uku xalaashanayo dhiiga muslimiinta reer Qaza, waxaana midan lagu sifeeye xasuuqii ugu darnaa isbuucan hada maraya bartamaha.

Kusoo biir baraha cusub ee Faafreebyada:

https://t.me/faafka240

https://t.me/Faafka3

https://t.me/faafreebka12