Independent “Ku Dhawaad ​​70 Boqolkiiba Dadka ku Dhintay Dagaalka Qaza waa Haween iyo Caruur”.

Nov 17, 2024

Ku dhawaad ​​70 boqolkiiba dadka ku dhintay dagaalka Qaza waa haween iyo caruur, waa ciwaanka warbixin uu daabacay joornaalka Ingiriiska ah ee independent.

Saxiifada iyadoo soo xiganeysa baaritaan ay sameysay hay’ada QM gaar ahaa xafiiska waxa loogu yeero xiqiiqil insaanka ayaa sheegtay, in maamulka yuhuuda uu gudaha Qaza ku dilay boqolkiiba 70 caruurtii iyo haweenkii halkaas ku noolaa, waliba isagoo isku muujinaya in dagaal uu kula jiro kooxaha muqaawamada.

Joornaalkan waxa uu xogtiisa intaasi ku darayaa in sahaayinada ay si cad ugu guul dareysteen iney soo afjaraan dagaalka ay kula jiraan kooxaha iska caabinta reer Filistiin, walina ay isku sii dayayaan iney qaab xoog ah ay kusoo furtaan sahaayinada ka maqan taas oo dhowr jeer u shaqeyn weyday una horseeda halaag daran.

FAAFREEB PRO