Indonesia oo ku Biirtay Ururka BRICS.

Jan 8, 2025

Dowladda Indonesia ayaa ku dhawaaqday in ay ku biirtay ururka BRICS ee ka dhanka ah dhaqaalaha reergalbeedka.

Sida ay saacadihii lasoo dhaafay baahinayeen joornaalada ugu afka dheer caalamka sida Yenisafak xukuumada Jikarta ayaa shaacisay iney ku biirtay ururka BRICS ee ay ku mideysanyihiin dowladdo badan oo caalamka ugu tun weyn.

Bayaan uu soo saaray ururka ayaa lagu sheegay in dalka Indonesia uu kusoo biiray BRICS waliba isagoo ogolaanshiyo ka heystay dhamaan wadamada qeybta ah ururka, waxaana qoraalka Bayaanka dhaxdiisa ay dowladda Brazil hambalyo ugu dirtay Indonesia.

in Indonesia oo leh dhaqaalaha ugu badan Koonfur Bari Aasiya ay hadda xubin buuxda ka tahay kooxda BRICS, waxaa lagu waramayaa in dhabar jab xoogan ay midaas ku tahay dowladda Mareykanka iyo wadamada kale ee yurub, hogaanka BRICS ayaana hadda u muuqda kuwa soo leexsanaya dal walba oo saaxiib dhow la ah Mareykanka iyo axzaabtiisa.

Gabagabadii waxaa lagu waramayaa in dalalka Turkiga, Asarbayjaan iyo Malaysiya ay iyaguna uu si rasmi ah mudooyinkaan isku soo tarayo codsigooda ah iney kusoo biiraan BRICIS, halka Sucuudigana uu ku han weynyahay midaas balse Mareykanka uu cadaadis saarayo .

FAAFREEB PRO