Dowladaha Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa kusoo biiray safka Mareykanka Ukrainka u fasadaxay adeegsiga gantaalada ridada dheer si ay u weerarto gudaha Ruushka.
Xukuumada Briten iyo Barlin ayaa Kiyev fasax buuxa u siiyey in wixii hada ka dambeeya ay adeegsan karto gantaallada riddada dheer ee labadan dal ay soo saareen ee SCALP iyo Storm Hadh.
Waxay dabcan midan kusoo aadeysaa xilli shalay galinkii hore uu Biden inta xafiiska uusan ka tag uu Zalanskey u ogolaaday adeegsiga gantaalada jara masaafooyinka fog fog, Kiyev ayaana laga cabsi qabaa iney markan si toos ah u beegsato xarumaha muhiimka ah ee Moscow.
Hadii taasi ay dhacdana waxa lawada sugaa waa jawaabta Putin ee sida ay noqondoonto , isagoona horayba u sheegay hadii reer galbeedka gantaal ay siiyeen Ukrain uu kusoo dhoco gudaha Ruushka iney adeegsan doonaan hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.