“Britain waxa ay ku guul dareysatey in ay isu diyaariso dagaal ay la gasho Ruushka” waa ciwaanka warbxiin uu nashriyey wargeyska The Independent ee kasoo baxa dalka Ingiriiska.
Sida joornaalku uu kasoo xiganayo sarkaal sare oo British ah, xukuumada London ayaa hada si cad ugu guuldareysatay iney heegan buuxa uga gasho dagaalka Ruushka, “iskumana hallayn karto Maraykanka iyo NATO” ayuu leeyahay sarkaalkan.
Richard Shirreff oo mar soo noqday taliye ku xigeenka NATO intii u dhexeysa sanadihii 2011 ilaa 2014 ayaa jariirada u sheegay in iska horimaad xoogan lala gali doono UK ayna u baahantahay dowladdo adag oo wajihi kara, “Britana waxaa laga doonayaa iney qeyb ka noqoto waliba iyadoo ka maarmeysa taageerada Washington” ayuu yiri masuulkan hore.
Dowladda Ingiriiska ayaa hor boodeysa wadamada doonaya iney dagaalka la galaan Ruushka, hadii ay noqoto mid gacansi iyo mid caskari intuba, balse waxay hadda u muuqataa mid waqti u baahan si markale ay u sameyso kabasho una dajiso qorshooyin hor leh.
FAAFREEB PRO