Iran oo Dooneysa Iney Pakistan Kasoo iibsato Diyaarado Casri ah.

Jan 6, 2025

Sida inta badan saacadihii lasoo dhaafay ay daabacayeen joornaalada kasoo baxa qaarada Asia, waxaa lagu waramayaa in xukuumada Tehran ay dooneyso iney markan soo iibsato diyaaradaha dagaalka ee JF-17 Thunder.

Diyaaradahan ayaa lagu waramayaa iney yihiin kuwa casri ah oo ay si wada jir ah usoo saaraan dowladaha Pakistan iyo Shiinaha, waana kuw awooda qaaditaanka dhowr gantaalood oo culculus halkii mar ee ay duulaan tagayaan waa sida hadalka loo dhigee.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in Iran uu ku dheeraaday waqtiga wixii hadda ka dambeeyana aysan sii sugi Karin diyaaradihii ay dooneysay iney ka hesho dhanka Ruushka ee nuucoodu ahaa Su-35, sidaa darteedna ay u dooneyso iney usoo iibsato midan nuuceedu yahay JF-17 Thunder.

Diyaaradda dagaal ee JF-17 Thunder ayaa qiimo ahaan halkeedii xabo lagu iibinayaa lacag gaareysa ilaa $25 milyan , waxaa lagu sheegaa inay tahay diyaarad leh awoodda la mid ah diyaaradda uu Mareykanku soo saaro ee F-16.

Hadaba mida la isweydinayo ayaa ah ma suuragalbaa in Pakistan ay Iran ka iibiso diyaaradahan, mise Mareykanka ayey ka baqan doontaa oo dhagaha ayey ka fureysan doontaa baaqa kasoo yeeri doona dhanka Tehran.

FAAFREEB PRO