Ismaciil Haniyah oo Lagu Dilay Gudaha Dalka Iran.

Jul 31, 2024

Waxaa habeenimadii xalay gudaha dalka Iran duqeyn diyaaradeed lagu beegsaday guri uu caasimada Tehran ka daganaa madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas ninka lagu maagcaabo Ismaaciil Haniyah.

Waxaa masuuliyada duqeyntan sheegtay maamulka gacan ku rimiska ah ee isku magacaabay Israel oo mudooyinkan dambe sida ay sheegeen waday dabagalo ay doonayeen iney ku qaarijiyaan ninkan.

Ismaaciil Haniyah ayaa ahaa mid mudooyinkan dambe laf dhuungashay ku noqday xukuumada Binyamin Natanyaahu, waxaana sida uu u bilowday howgalka duufaanta Al-Aqsaa ay sahaayinadu maleegayeen qorshooyin ay doonayeen iney aduunka ku dhaafiyaan Haniyah.

Dhanka kale diyaaradaha yuhuuda ayaa isla xalay duqeyn xoogan ka fuliyey gudaha dalka Lubnaan halkaas oo ay ku beegsadeen sida ay sheegeen mid kamid ah saraakiisha ciidan ee ururuka shiiciga ah ee la magac baxay xisbullahi.

Waxay gumeystuhu sheegeen iney dileen sarkaal lagu magacaabo Fahad Shugri oo ah gacanta midig ee Xasan Nasrullah iyo taliyaha guud ee maleeshiyaatka, walow aysan wali ururka aysan soo saarin wax war ah oo ku aadan arinka ninkan iyo saxnimada geeridiisa iyo in kale.

Dhanka kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay duqeym xoogan iyagana laga soo sheegayaa dalka Ciraaq inkasoo aysan wali soo bixin wax tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan duqeymahaasi.

FAAFREEB PRO