Israa’iil ma ka Takhalusi Kartaa ku Tiirsanaanta Mareykanka?

Jan 14, 2025

Israa’iil ma ka takhalusi kartaa ku tiirsanaanta Mareykanka? Waa ciwaanka warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post, taasoo diirada lagu saarayo qodobkan iyo hadii ay suuragal tahay talaabo nuucaas ah inuu qaado maamulka yuhuuda.

Waxaa ugu horeyntii xogta majalada lagu sheegayaa in xukuumada Binyamiin Natanyaahu ay isku dayeyso iney ka xuubsiibato xeyndaabka Mareykanka marka la joogo kaalmada militari, iyadoona hadda malaayiin dollar ku bixineysa sidii ay usoo saran lahayn bambooyinka culculus si ay uga maaranto kuwa ay ka hesho dhanka xukuumada Washington, waa sida hadalka loo dhigee.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in maamulka yuhuuda uu si guud uga baqanayo ku tiirsanaanta dhanka hubka ee Mareykanka iyo wadamada kale ee reer yurub, iyadoona Natanyaahu uu hadda ku jiro raadinta wadooyin uu iskiisa wax uga soo saaranayo taasoo lagu tilmaamay ka fog sohdinta suuragalnimada iyadoo wax lagu dhisanayo xaalada dagaal ee uu lugaha kula jiro kayaanka sahaayinada.

Waxaa warbixinta sidoo kale lagu sheegayaa in suuragal aysan u muuqan in maamulka isku magacaabay Israel uu ka takhaluso ku tiirsanaanta Mareykanka, iyadoona maalmo ka hor uu dhacay heshiis sahaayinada loogu soo saarayo hub ku kacaya lacag gaareysa ilaa 275 Milyan oo Dollar, taasoo muujineysa baahida ay wali yuhuuda u qabaan xiriirka Mareykanka.

FAAFREEB PRO