Ciidamada dowladda xabashida Itoobiya ayaa weli siiwada boobka iyo dhaca ay ku hayaan hantida shacabka muslimiinta ee ku dhaqan deegaannada dhulka soomaaligalbeed.
wararka ka imaanaya degmada Qabri-bayax ayaa sheegaya in ciidamada xabashida ee loogu yeero Finaas ay kaxaysteen boqolaal neef oo ay lahaayeen xoola dhaqato iyo ganacsato deegaanka ah.
Boqolaal askari oo hoostaga wasaaradda maaliyadda Itoobiya ayaa duullaan ku qaaday deegaanka Qabalaha Dhurwaale oo hoostaga degmada Qabri-bayax waxayna gacanta ku dhigeen dhammaan xoolihii deegaanka.
Sida uu sheegay mid kamida dadka deegaanka ciidamada loo bixiyay ka hortagga Kotorobaanka xabashida ayaa kaxaystay xoolaha oo ubadnaa kuwa jar ah oo dadkii lahaay ay muddo sanada ah dhaqaalaysanayeen si ay macaash wanaagsan uga helaan,
iyadoona shacabka xoolaha laga dhacay ay ahaayeen kuwa sabool ah oo dhaqaalahoodu aad uhooseeyo
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Itoobiya ay xoolahan ay dhaceen ula dhaqaaqeen dhanka dhulka xabashida waxaana loo badinayaa in ay kubiirin doonaan kumanaan neef oo ay horay sidaan oo kale uga dhaceen dadka reer soomaaligalbeed.
dhibanayaasha xoolahooda ay dhacday dowladda xabashida Itoobiya ayaa sheegay in ay arrintan uga dacwoodeen saraakiisha maamulka Ridada ee Jigjiga balse ay kala kulmeen jawaab celinno layaab leh oo muujinaya in ay hoosaasinayaan dhaca ay Itoobiyaanku geysteen.
Tan iyo sanaddii 2018-kii markii uu Abiy axmed noqday R/wasaaraha Itoobiya ayuu dhisay ciidan uu ugu magac daray Finaas kuwaas oo qaabilsan dhaca xoolaha dadka soomaaligalbeed
Kusoo biir baraheena Telegram