is hardiga udhaxeeya dowladaha shisheeye ee isku haya geeska Afrika ayaa meeshii ugu sarraysay gaaray xilli dowladda dabadhilifka ah ee ka jirta soomaaliya ay umuuqato mid ku dhax milmaysa siyaasadaha quwadaha isdiidan.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markii ugu horraysay digniin rasmi ah udirtay dowladda dabadhilifka Masar ee faragelinta melleteri kusoo sameysay Soomaaliya.
Xogaha dheeraadka ah ee ka soo kordhaya xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Geeska Afrika ayaa sheegaya in Itoobiya ay digniin millateri u dirtey Xukuumadda Qaahira ee uu Alsiisi hoggaamiyo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Itoobiya ay baaqan digniineed sii marisey Jabbuuti si loo gaarsiiyo Masar.
Farriintan digniinta xambaarsan ee Itoobiya dirtey ayaa tibaaxeysay in tallaabo kasta oo lid ku ah danaha Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya haddii ay Masar ku kacdo in ay ka dhalanayso cawaaqib halis ah.
ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Jabuuti ay safiirka Masar ee wadankaas ay gacanta ka geliyeen digniinta tooska ah ee ka timid Addis Ababa.
Digniintan ayaa imanaysa ka dib markii dowladda Masar ay saanado hub ah ka dejiyay dekadda magaalada Muqdisho hubkaas oo Masaaridu ay ku sheegeen mid lagula dagaallaamayo wax ay ugu yeeray Argagaxisada oo loola jeedo Shabaabul Mujaahidiin.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxa loogu yeero Q.Midoobay usheegay in aysan ciidamadooda kala bixi doonin Soomaaliya haddii aan ladhisin howlgal ay iyagu hoggaanka u hayaan.
Taye Atske-Selassie ayaa magaalada New York ka sheegay in Itoobiya ay walaac ka qabto mustaqbalka ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya islamarkaana aysan ogolaan doonin in wax uu ugu yeero quwado shar ah ay hoggaanka uqabtaan ciidamada Afrikaanta.