Itoobiya oo ku Foogan Dhul Balaarsi hor leh Sida uu Sheegay Safiir Hore Brock Haileu.

Sep 25, 2024

Safiir hore xil ugu soo qabtay dowladda xabashida Itoobiya, haddana ka mid ah xubnaha dowladda la shaqeeya ayaa bixiyay macluumaad uu ku shaacinayo in Xabashidu waddo qorshe ay Soomaaliya uga dhisanayso aag dheer oo difaac oo amaankeeda gudaha ay ku ilaashato.

Brock Haileu oo ah safiir hore oo Itoobiyaan ah ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay dhulka Soomaaliya ka samaynayso qiyaastii 100-150 km oo ah khad cagaaran oo ay ka ilaashato ammaankeeda gudaha.

Wuxuu si gaar ah u xusay in dhulkaasi uu ka mid yahay gobolka Gedo iyo qaybo ka mida dhulka uu ka arrimiyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur-galbeed, sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday in dhulka Itoobiya jaran doonto uu qayb ka mid ah kuyaal gobolka Hiiraan.

Arintan ayaa qayb ka ah xiisadda Itoobiya iyo Masar, wuxuu safiirkan hore ee ka tirsan dowladda Itoobiya sheegay in haddii ay ka adkaadaan waa sida uu sheeganaya e Masaarida iyo kooxda Riddada, ay ciidamada Itoobiya isku dari doonaan gobolka Gedo iyo deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur galbeed.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dowladdiisu tabobartay kumannaan ciidamo ah oo ka tirsan maamulka Mustafe Cagjar, kuwaas oo uu sheegay inay gacan ka gaysan doonaan qorshaha dhul ballaarsiga ah ee Xabashidu ku foogan tahay.

FAAFREEB PRO