Itoobiya oo Markale Sheegtay Inay Xaqiijinayaan Damacii Boqor Minilik.

Sep 21, 2024

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sare uqaadday damaceeda ku aaddan badda Soomaaliya xilli ay cirika iskusii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee geeska qaaradda Afrika.

Mas’uuliyiin sarsare oo Xabashi ah ayaa khudbado ay jeediyeen waxay ku sheegeen in aysan marnaba ka tanaasuli doonin damacood ku aaddan doonista biyaha soomaaliya.

Ridwaan Xuseen oo horay usoo noqday lataliyaha amniga ee Abiy Axmed hadane ah taliyaha sirdoonka Itoobiya iyo taliye ku xigeenka ciidanka badda Itoobiya ayaan ka shanqariyay in isku dayga xabashida ee qabsashada badaha geeska afrika uu soo billaawday xiligii uu xabashida maamulayay Mililk islamarkaana ay hadda haystaan fursad ay damacaas kusoo cusboonaysiin karaan.

“Waxaan u baahannahay in aan xaqiijino helidda marin badeed, ma ahan oo kaliya dekedo ganacsi, qiimo kasta ha ku kacdee waa in aan dadkeena uhelnaa marin badeed oo muhiim u ah jiritaankooda.

Fursadeennii ugu horreysay waxaan ku weynay xilligii Menelik laakiin hadda waxaa noo soo baxay fursad labaad oo aan ku hanan karno marin badeed, suuragalna ma ahan in aan arrinkaas dib uga laabanno”ayuu yiri mas’uul katirsan xukuumadda Abiy Axmed.

Horraantii sanadkan ayuu Muuse Biixi Cabdi hoggaamiyaha maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland Xabashida Itoobiya usaxiixay heshiis xaaraan ah oo cadowga soo jireenka umadda soomaaliyeed lagu siiyay qeyb kamid ah badda soomaaliya.

FAAFREEB PRO