Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale ku dhawaaqday in ay si adag u difaacan doonto wax ay ugu yeertay himilooyinka muhiimka u ah shacabkeeda.
Isagoo wareysi siinayay wakaaladda wararka ENA ayuu wasiirka arrimaha dibadda xabashida ninka lagu magacaabo Taaya Ataski Salaasi wuxuu sheegay in dowladdiisu aysan marna ka tanaasuli doonin biyaha mandiqadda geeska afrika ayna u arkaan kuwa muhiim u ah nolosha inkabadan 120 malyan Itoobiyaan sida uu hadalka udhigay.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Addis Ababa ayaa dhaleeceeyay tallooyin daandaansi ah oo ay wadaan qolyo uu ugu yeeray quwado cadow ah.
mar uu soo hadal qaaday biya xireenka Alnahda ee murunka badan dhaliyay ayuu shaaciyay in dhammeystirka biya xireenkan uu guul taariikhi ah uga dhiganyahay Xabashida Itoobiya isagoo meesha ka saaray in cadaadiska uga imaanaya Masar uu saameyn doono shaqada biya xireenka Alnahda.
“Itoobiya way sii wadaysaa dadaallada hortabinta leh ee ay shacabkeeda uga faa’iidaynayso biyaha gobolka,suurtagalna ma ahan in quwado cadow ah ay naga hor istaagaan ka faa’iidaysiga biyahan aan xaqqa uleenahay”ayuu yiri Taaya ataski selaasi.
mar wax laga weydiiyay xiisadaha siyaasadeed ee ka aloosan geeska Afrika ayuu beeniyay in dowladdiisu mas’uul katahay xiisadaha taagan.
Sanaddii 2023 ayay xukuumadda dabadhlifka Masar kudhawaaqday in ay gebi ahaan isaga baxday wadahadalladii ay laheyd murunka ka dhashay biyaha webiga Niil ee Itoobiya kala dhaxeeyay.
Horraantii sanaddan 2024 ayuu Abiy Axmed heshiis xaaraan ah lagalay Muuse Biixi kaasi oo lagusiiyay qeyb kamid ah badda Soomaaliya sidaas ayayna xabashida Itoobiya ku hurisay dagaal ku saabsan biyaha mandiqadda.
FAAFREEB PRO