Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda Aysan wax Amar ka Qaadan Doonin Xukuumada Muqdisho.

Aug 19, 2024

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya aysan wax amar ka qaadanaynin kooxda ridada Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay xukuumada Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamadooda ay kusii sugnaan doonaan Soomaaliya waliba iyadoo aanan loo eegeynin buu yiri diidmada ama ogolaanshiyaha kooxda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sidoo kale ninkan ka dhawaajiyey in Itoobiya ay xaq u leedahay iney sii wado misana ay qeyb kasii ahaayo hawgallka lagu sheegay nabad ilaalinta ee ka socda Soomaaliya iyo midka la qorsheynayo 2025.

Hadalkan Itoobiya kasoo shanqaray ayaa kusoo beegmay xilli kooxda fadhigeedu yahay Muqdisho ay heshiis militari la gashay dowladda Masar.

Xukuumada Abey ayaana midaas u aragtay qatar weyn, maadaama Qaahir iyo iyaga uusan ka dhaxeen xiriir wanaagsan ayna halkaan ka abuurmi karto xiisad hor leh oo ay dhinacyadu fooda isku daraan.

FAAFREEB PRO