Jornaalka The Reporter Ethiopia ayaa daabacay maqaal la xiriira walaaca ay dowladda xabashida Itoobiya ka qabto xiisadaha kasoo cusboonaatay geeska afrika, iyo masuuliyiin katirsan nidaamka Abiy Axmed oo markale ku dhawaaqay in ay fulinayaan heshiiskii is faham ee ay la saxiixdeen murtad Muuse Biixi Cabdi.
Sida lagu sheegay xogta majalada, dowlada Itoobiya ayaa qoob gariir xoogan ka dareemeysa in mandiqada galaanqalgeeda uu xaliif dhaw kula noqdo cadaw in muda ah uu kala dhaxeeyey dagaal af iyo adinba gaaray, waana xukuumada uu hogaamiyo Cabdi Fitaax Al Siisi.
Xukuumada Addis Ababa oo ka hadleysa wararka sheegaya in Itoobiya ciidamadeedu aysan qeyb ka noqon doonin howgalka xiga ee Soomaaliya 2025 ayaa sheegtay in xukuumada Muqdisho ay sameysay abaal dhac weyn maadaama in mudo ah ay ka bar bar dagaalamayeen maleeshiyaatkooda, iyadoona soo dhaweysatay cadaw daran oo ay Itoobiya leedahay waa dabcan sida ay hadalka u dhigeene.
Dhanka kale waxaa warbixinta lagu xusay in xiisadan kasoo cusboonaatay gobolka aysan waxba u dhimi doonin heshisikii is afgarad ee ay la galeen maamulka isgu magacaabay Soomaaliland, ayna heegan u yihiin xilli walba fulintiisa maadaama ay tahay midaas riyo ay in muda ah ku tahmayeen.
Sida ay aaminsanyihiin khubaro xaga siyaasada ah misana u dhoon daloola arimaha mandiqada, loolanka xoogan ee u dhexeeya xukuumadaha Qaahira iyo Addis Ababa waxay gobolka geeska Africa ku keeni karaa colaad hor leh oo ay ku baabayaan malaayiin qof, iyadoona dowlad waliba ay ku dagaalami doonto wadan aanan keeda ahayn burburkuna uu ku hari doono gudaha Soomaaliya.
FAAFREEB PRO