Wasiirka Arimaha dibadda dalka Itoobiya Taye Astke Selassie, ayaa sheegay in shixnadaha hubka ee ay Masar ka dejineyso magaalada Muqdisho, ay keeneyso inay sii xumaato xaaladda mandiqadda geeska Afrika, hubkaasina ku dambeyn doonto gacanta Mujaahidiinta.
Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa kasoo xigatay wasiirka arimaha dibadda wadankaas, in Itoobiya ay walaac xoogan ka muujineyso shixnadaha hubka ee ka degay Muqdisho, kaasoo uu sheegay inuu sii burburinayo xaaladda amni xumo ee horaanba uga jirtay geeska Afrika.
” Waan ka walaacsannhay in hubkaasi uu uga sii daro xaaladda amni ee Soomaaliya, ugu dambeyntiina wuxuu ku biyo shuban doonaa gacanta argagaxisada Soomaaliya joogta” ayuu yiri wasiirka Arimaha Dibadda dowladda Saliibiyada Itoobiya Taye Astke Selassie.