Jabhada oo oromada oo Weerar Ka Fulisay Magaallo udhow Addis Ababa

Feb 18, 2025

Jabhadda Xoraynta Oromada ee magaceeda loosoo gaabiyo OLA, ayaa lagu soo waramayaa inay weerar geystay khasaare xooggan ay ku qaadeen magaallada Sululta (Siluuda) oo 25 u jirta caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in weerarkani uu dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, waxaanu kusoo aaday xilli lagu jiray qaban-qaabada shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo sabtidii ka furmay magaallada Addis Ababa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uulkaasi oo magaciisa lagu sheegay Abebe Worku (Abiib Werku) lala dilay rag ka tirsan ilaaladiisa iyo weliba saraakiil kale, inkastoo tiradooda ilaa hadda aan si rasmiya loo xaqiijin.

Kooxda OLA ayaa war ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegtay in iyagu ay fuliyeen weerarkan ka dhacay Sululta (Siluuda), kuna dileen mas’uul sare oo xisbiga barwaaqa-sooranka ee Abiy Axmed ugu magacawnaa degmadaasi, iyo taliyihii nabad-sugidda ee degmada iyo weliba xubno kale oo la socday.

Sidoo kale Jabhadda OLA waxay ku sheegtay bayaankan ay soo saartay, in ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo ay ku jiraan dhawr xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulka degmadaasi.

Jabhadda Xoraynta Oromada ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkoodan ku shaaciyey inay weerar rogaal-celis ah ku qaadeen deegaanka Arsii ee gobolka Oromada isla markii uu dhacay weerarka Sululta (Siluud).

Dowladda Saliibiyada ee Xabashida Itoobiya ayay wararku tibaaxayaan in ay qiratay in dad ka tirsan maamulkeedu ay fududeeyeen dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobolka ay ka fuliyeen Jabhadda OLA.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ee Xabashida Itoobiya iyo weliba maamulka gobolka Oromada oo ku aaddan weerarkan magaallada Sululta iyo dhacdooyin kale oo dhawaan ka dhacay gobolkaasi.

Jabhadda OLA ayaa si weyn uga hawl-gasha inta badan gobolka Oromada waxaana lala xiriirinayaa kumanaan shacab ah oo ka tirsan qowmiyadda Axmaarada oo lagu laayay dhulka miyiga ah, iyadoo sidoo kale la sheegay in kooxdu ay ku lug leedahay afduubyo baahsan oo soo noqnoqday, oo inta badan laga qaato madax-furasho.