Dowladda Riddada ah ee Jabuuti ayaa sheegtay inay wali sugayso jawaab rasmi ah oo ay ka helaan dowladda xabashida Itoobiya, taasi oo ku aaddan baddii ay usoo bandhigeen inay dhankooda ku wareejin doonaan maamulka Abiy Axmed.
Waraysi uu bixiyay wasiirka arrimaha debadda dowlada Riddada Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayuu ku sheegay in wali sugayaan jawaabta dowladda Itoobiya ee ah in ay ka gudoonto dekaddii ay usoo bandhigeen ee Tojorah.
Madaxda Soomaalida ee murtadiinta ah ayaa tartan adag ugu jira sidii ay nasaarada xabashida u heli lahayd marin badeed caalami ah, wallow dowladda Riddada Jabuuti ku doodayso in dekada ay bixinayso ay tahay mid ay ku xalinayso khilaafka ka dhex aloosan dowladda Itoobiya iyo dowladda Riddada ee Gurguurte.
“Arrintaasi wali miiska ayay saarantahay, u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahaynna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada Itoobiya iyo Soomaalia, madaama Itoobiya ay raadinayso marin badeed, waxaanu la wadaagnay mid kamid ah dekedaha ku yaal waqooyiga dalka” ayuu wasiirka arrimaha debadda Jabuuti ku yiri waraysiga uu bixiyay.
Bil ka hor ayay ahayd markii dowladda Jabuuti ay dowlada xabashida Itoobiya usoo bandhigtay in ay siinayso dekadda Tojorah, Itoobiya waxay dhankeeda horay si cad u sheegtay inaysan doonayn dekad oo kaliya balse ay doonayso marin badeed ay iyadu maamusho oo ay ka dhisato saldhigyo millatari.
Kooxda Riddada ayaa sidoo kale ku fashilantay qorshe ay ku doonaysay inay bad ku siiso dowladda Itoobiya, si ay uga laabato heshiiskii ay la gashay maamulka Muuse Biixi, madaxda murtadiinta Soomaalida ah ayaana loollan ugu jira sidii ay xabashida uga xaraashan lahaayeen khayraadka umadda Soomaaliyeed, balse Itoobiya oo 1-da bishii Janaayo ee sannadkan maamulka Muuse Biixi ee Riddada ah ka saxiixatay qayb ka mida badda Somalia, ayaa si jees jees leh uga soo jawaabaysay codsiyada kasoo baxayay madaxda kale ee Muqdisho iyo Jabuuti ee ay dowladda Itoobiya kula doonayeen inay ku siyaan khayraadka umadda Soomaaliyeed si kaliya uga laabato heshiiska Somaliland.
FAAREEB PRO