Jabuuti oo Sheegtay Iney Badd Siineyso Itoobiya.

Aug 31, 2024

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in Itoobiya ay ku wareejiso deked ku taalla badda cas oo ay xabashidu maamuli doonaan si boqolkiiba boqol ah.

Waxaa hadalkan si gaar ah kaga dhawaajiyey wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ninka lagu magacaabo Maxamuud Cali Yuusuf.

Waxa uu ninkan sheegay in dekeda ay bixinayaan ay ku taallo magaalada Tadjoura oo 100 km u jirta xuduudka Itoobiya.

Waxaa lagu soo waramayaa in tallaabadan ay Jabuuti ku doonayso oo ay qeyb ka tahay waxay ugu yeertay xal u raadinta khilaafka hada ka dhax aloolsan kooxda ridada Soomaaliya iyo dowladda Xabashida Itoobiya.

Waxay midaan dabacan kusoo beegantay xilli xiisada ka taagan gobolka ee u dhexeysa maamulada daba dhilifyada ah ee Itoobiya, Masar iyo Murtadiinta ay cirka isku sii shareereyso marba marka kasii dambeysa, iyadoo ay xukuumada Abey durbadiiba ay bilowday dhaq dhaqaaqyo ciidan kadib markii ay maqashay in Masar ay qeyb ka noqon doonto howgalka saliibiga ah ee 2025 la qorsheynayo in markale lagu soo qaado dalkan muslimka ah ee Soomaaliyeed.

FAAFREEB PRO