Jarmalka oo soo Dajiyey Qorshe Hor leh oo uu Ku Musaafurinayo Soogalootiga.

Sep 7, 2024

Dowlada jarmalka ayaa dooneysa iney meel mariso qorshe ay dadka tahriibayaasha ah ee iska soo dhiiba wadankooda ay ugu daabuleyso dalka Rwanda ee dhaca bariga Afrika, hadaba muxuu yahay waxyaabaha ay ka simanyihiin qorshahan iyo midkii Ingiriiska ee dhawaan xisbiga shaqaalaha ee ku guuleystay doorashada UK uu laalay gabi ahaantiis.

Xukuumada Berlin ayaa go’aansatay in boqolaal kun oo tahriibayaal ah oo sanad walba soo gala wadankooda misana isa soo dhiiba ay daabusho, iyadoo geyneysa wadanka Rwanda si halkaas loogu soo kala shaandheeyo waa dabcan sida ay hadalka u dhigeene.

Jarmalka ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid ay xal u arkaan ayna ku badalayaa midkii Ingiriiska ee Meesha laga saaray iyaguna ay fursadaan ka faaideysan doonaan, waxaana warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha socdaalka ninka lagu magacaabo Joachim Stamp, isagoona muujiyey in ka Jarmal ahaa ay ku faraxsanyihiin talaabadaas iney qaadaan.

Berlin waxay sheegtay in dadkan qaab ku meel gaar ahaan ah ay halkaas u joogi doonaan misan ay ku mari doonaan wareysiyo muhiim ah, kadibna dib loogu soo celin doono dalka Jarmalka, balse midaas ayaa lagu tilmaamay tu xaqiiqada ka fog, jarmalkuna uu doonayo in wixii dhibaato uu u arko uu soo daad gureeyo Rwanda sidiiba ay ku hamineysay xukuumada London.

Kadib soo yeeritaankii hadalkaas, waxaa baraha kala duwan la isku dhaafsanayey waxa uu Jarmalka uga duwanyahay Ingiriiska markii laga hadlo qorshaha tahriibayaasha, waxaana bulsho badan usoo baxday in reer yurub kaliya ay doonayaan in wixii ay dhibaato u arkaan ay usoo daabulaan qaaradan, waliba iyagoo sameysanaya cudurdaaro aanan aanan sal iyo raad toona lahayn.

Waxaa kaloo la is weydiiyey sababta Jarmalka iyo wadamada kale ee reer yurub ay u daneynayaan iney dadka thariibayaasha ah ay kusoo daabulaan qaarada Afrika, iyadoo qof walba loo celin karo halkii uu asal ahaan ka yimid, waxayna khubaro badan ku tilmaameen in yurubiyaanku ay midaan ka damacsanyihiin guleysi hor leh oo dad badan, maadaama qofka kasoo jeeda Aasiya uusan maanta awoodin inuu si dag dagsiimo leh ula qabsado dhaqamada Afrika midaasina ay ka dhalaneyso jahawareer iyo in qofka lagu fushado danaha gaarka ah ee laga leeyahay.

Waxaana ugu dambeyn qorshahan ay daaha kasoo rogtay xukuumada Berlin lagu tilmaamay mid lamid ah kii ay dadka badan ka caroodeen ee ay ka laabatay xukuumada Brtiten iyo xisbiga hada la wareegay talada wadankaas ee shaqaalaha.

FAAFREEB PRO