Dalalka Maqrib iyo Jazaair ayaa tartan adag ugu jira sidii ay saameyn balaaran ugu yeelan lahaayeen gudaha wadamada dhaca saaxilka Afrika.
Sida uu daabacay joornaalka Faransiiska ah ee Jeune Afrique wadamada Marooko iyo Al-Jeeriya ayaa hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii mid walba uu u noqon lahaa kan sida xoogan ugu xidideesan dhulka galbeedka gaar ahaa wadamada dhawaan iska dulqaaday hiiryada gumeysi ee Faransiiska.
Dalalka Maali, Burkina Faso, Niger iyo Chad ayey hada ka socdaan loolanka xoogan ee Marooko iyo Al-Jeeriya, waxayna dhinacyadu wadamadan ku sameynayaan maalmgashiyo, halka dhanka kale ay sameynayaan balaqaadyo hormarineed oo balaaran.
Al-Jeeriya balanqaadyada ay sameysa waxaa ka mid ah iney saxaraha galbeedka Afrika ay ka hirgaliyaan wado tareen oo isku xireysa dhul balaaran, halka Marooko dhankeeda iyadana ay sameysay balanqaadyo fara badan.
Si kastaba ha ahaaytee xukuumadan hardanka siyaasadeed uu hadda ka dhxexeeyo ee Maqrib iyo Jazaair, ayaa waqti xaadirkan doonaya iney dhankooda uga sii siqaan ku luga fidsashada dhulka galbeedka waliba si lamid ah Ruushka iyo Xulafadiisa, taasoo keeni doonta baa la yiri in Marooko iyo Al-Jeeriya ay saaxiib dhaw la noqdaan xukuumada Moscow si ay ugu hirgalaan dhamaan damacyadooda.
FAAFREEB PRO