Joe Biden iyo Xi-Jinping oo Yeeshay kulankoodii ugu Dambeeyey.

Nov 18, 2024

Madaxda dalalka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa yeeshay kulankoodii ugu dambeeyey ka hor imaanshiyaha Trump xafiiska aqalka cad 20-ka Janauary.

Sida ay daabacayeen saacadihii lasoo dhaafay joornaalo badan oo uu ugu horeeyo POLITICO, Joe Biden iyo Xi-Jinping ayaa qaatay kulankoodii ugu dambeeyey oo daaranaa arimo dhowr ah, hogaamiyaha Beijing ayaana sheegay iney diyaar u yihiin la shaqeynta iyo sii wadiida xiriirka u dhexeeya iyaga iyo Washington.

Kulanka hogaamiyaashan ayaa ahaa mid doceed ka dhacay dalka Peru xilli halkaas ay ugu sugnaayeen ka qeyb galka shirka-madaxeedka dalalka Asia-Pacific ee ( OPEC).

Waxaa dhanka kale lagu waramayaa in intii uu socday shirka-madaxeedka ururuka OPEC in hoolka oo idil uu hareeyey dood la xiriirta xaalada dhaqaale xumi ee uu gali doono caalamka hadii mar uu soo laabta Donald Trump, wadamo badan ayaana hada wadnaha farta ku haya, maadaama la aamisanyahay in ninkan uu xafiiska la imaandoono siyaasad arimo dibadeed oo curyaamin doono dalalka dhaqaale ahaan maanta ugu tunka weyn.

FAAFREEB PRO