Ka hor Duulaanka Dhulka ee Yuhuuda ku Galeen Lubnaan Maxay Kawada Hadleen Natanyaahu iyo Biden?.

Oct 2, 2024

Warbixin ay qalinka u qaateen 3 kamid ah majaladaha ugu waaweyn caalamka ayaa diirada saareysa su’aasha ah, maxay kuwada heshiiyeen misana ay isla ogaayeen maamulka yuhuuda iyo dowladda Mareykanka ka hor inta uusan gumeystuhu duulaankiisa dhulka ah uusan ku galin gudaha dalka Lubnaan.

Hadii aan ku hormarno majalada Washington Post, waxay sheegeysaa in maamulka isgu yeera Israel uu wargeliyey xukuumada Washington ka hor inta uusan qaadin talaabadan ay masuuliyiin fara badan u arkaan mid qar iska tuurnimo ah, waxa uuna Binyamiin Natanyaahu xilligaas u sheegay Mareykanka qorshihiisa dhabta ah ee duulaankan.

Waxay warbixinta saxiifadan intaasi ku dareysaa in Natanyaahu uu Biden u sheegay in damacooda ugu weyn ee howgalkan uu yahay, iney sameeyaan is difaac iyo ilaalinta masaalixdooda gobolka, waxa uuna madaxa maamulka yuhuuda intaasi sii raaciyey in howgalkan ay ku galeen dhulka Lubnaan uu ahaan doono mid xadidan beegsanayana meelo cayiman.

Waxay ugu dambeyn majaladan oo ka hadleysa qodobkan sheegeysaa, in ujeedooyinka kale ee ay sahaayinadu u qaadeen duulaanka dhulka ee Lubnaan ay kamid tahay, in la naafeeyo dhaqaalaha ururuka isgu yeera Xisbullah, si baa la yiri ay u yaraato dhaq dhaqaaqooda ayna nabad ugu naaloodaan dadka yuhuuda ah ee ku nool woqooyga dhulka la heysto ee Filistiin.

Jariidada Wall Street iyaduna waa mid kamid ah saxiifadaha wax ka qoray su’aashan ah, maxay kuwada heshiiyeen misana ay isla ogaayeen maamulka yuhuuda iyo dowladda Mareykanka ka hor inta uusan gumeystuhu duulaankiisa dhulka ah uusan ku galin gudaha dalka Lubnaan.

Waxay sheegeysaa in Natanyaahu uu sidoo kale madaxa aqalka cad u sheegey in ahdaafta ay doonayaan iney ku xaqiijiyaan howgalka dhulka ay kamid ah tahay, soo uruurinta xogaha sirta ah ee laga heli karo gudaha dalka Lubnaan, maadaama ay u sahlanaaneyso iney kusii xidideystaan ka sirdoon ahaan gudaha ururuka.

New York Times iyaduna waxay sheegeysaa mar qodobkan ay dhiraan dhirineysa, in Binyamiin Natanyaahu ay waqti badan ku qaadatay sidii uu xukuumada Washington ugu qancin lahaa howgalkan, isagoona ugu dambeyn sida aan soo xusnay ku qanciyey in uu noqon doono howgal kooban, khatartiisuna aysan gaarsiiseyn midkii ay ururuka isugu yeera Xisbullah ay ku qaadeen sanadii 2006-dii, kaasoo socday muddo 34 maalmood ah.

Waxaana lagu soo waramayaa hada in Mareykanku uu si aad ah ugu walaacsanyahay in duulaankan dhanka dhulka ah ee uu maamulka yuhuuda ku galay gudaha Lubnaan uu isku badalo mid balaaran, sahaayinaduna ay sidaas jaxiimo kale oo dagaal ay lagaha ula galaan.

Inahaas ayey majaladaha oo idil kusoo koobayaan jawaabta su’aashii aynu hora dhaca warbxintan ku sheegnay, waxaana hada lawada sugayaa misana ay warbaahinta oo idil isha kuwa hesyaa natiijooyinka halkaas kasoo bixi doona, iyo cida muddo kooban kula wareegi karta hogaanka dagaalka.

FAAFREEB PRO