Kadib dhicitaankii Bashaar Al-Asad Ruushka ayaa qaarada Afrika ka wajahayo cadaadis xoogan diidmana kala kulmayo wadamo dhowr ah.
Sida uu daabacay wargeyska Newsweek xukuumada Moscow ayaa tan iyo dhicitaankii nidaamka Suuriya ee ay hogaanka u hayeen reer Asad waxa uu dhanka qaaradan ka wajahayaa cadaadisyo xoogan, isagoona diidmo isku mid ah kala kulmay dalalka Suudaan iyo Liibiya kadib markii uu u gudbiyey codsi ku aadan in wadamadooda la keeno ciidamadiisa waqti xaadirkan ku sugan gudaha Suuriya iyaguna ay ka soo horjeesteen.
Vladamir Putin ayaa ugu horeyntii xukuumada Khartuum u gudbiyey codsi ku aadan iney saldhig ka dhistaan xeebaha bada cas si halkaas loo keeno askarta masiirkooda sii mugdiyoobaya ee ku sugan gudaha Suuriya, balse waxaa arinkaas diiday Suudan iyadoo ka baqaneysa talaabooyin ka yimaada dhanka reer galbeedka.
Moscow ayaa Khartuum xitaa usoo bandhigtay iney siineyso nidaamka difaaca ee S-400 balse Suudaan ayaa mowqifkeeda ku adkeysatay gaashaankana u daruurtay dalbkii Moscow, sida uu cadeeyey sarkaal sirdoon oo ka tirsan militariga Suudaan.
Ruushka ayaa codsi midkaas la mid ah u gudbiyey Liibiya oo uu hada wujuud ku leeyahay, balse xukuumada Dharaabulis ayaa diiday arinkaas sheegtayna in hada ay qorsheyneyso sidii loo dhimi lahaa askarta Ruushiyaanka ah eek u sugan gudaha Liibiya in kuwa cusub ay yimaadaan iskaba daayee.
Xukuumada Vladamir Putin ayaa hada la saadaalinyaaa in saldhig ay u raadsan doonto dhanka galbeedka Afrika oo ay hada ku xoogantahay, maadaama dalalka dhaca saxaha galbeedka Afrika ay maanta yihiin xaliif dhow uuna ka heli karo masaalixda uu doono.
FAAFREEB PRO