Kalluun Badan oo kusoo Caariyay Xeebaha gobolka Bari.

Jan 24, 2025

Wararka ka imaanaya xeebaha dhaca Bari ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay biyaha gobolkaasi ay kusoo caariyeen nooleyaal aad u tiro badan oo ka mid ah kuwa ay caan ku tahay badda Somalia.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa mar qura waxay dadka ka Jillaabta xeebaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka ku baraarugeen nooleyaashan loo yaqaan hobbobboro (Dolphin) ama Nebiriga kalluunka oo ka badan ilaa 100 oo kusoo caariyay xeebta.

Kaluunkan oo isugu jiray wax dhintay iyo wax nool ayaa is haystay laga soo billaabo xeebaha magaalada Boosaso ilaa Mareero, muuqaal la faafiyay ayaa muujinayay sida ay u daadsanyihiin xeebta dheer, waxaana ka muuqday nabarro sida ay soo sheegeen dadka deegaanku.

Dadka deegaanku waxay intaas ku dareen inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn waxa sababay in nooleyaashan dibadda badda usoo caariyaan hadana loo badinayo in walxo badda lagu daadiyay ay waxyeelleeyeen.

Bishii December sannadkii tagay ee 2024-kii ayay ahayd markii sidan oo kale kalluun tiro badan lagu arkay xeebaha deegaanka Jaziira ee Koonfur galbeed kaga beegan Muqdisho iyo xeebaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, waxayna kolkaas kalluumeysatadu billaabeen in ay qab-qabsadaan kheyraadkaasi oo soo heliddiisa ay juhdi badan ku bixin jireen.

Waxay dhacdooyinkan kusoo beegmayaan xilli kooxda Riddada Somalia ay maamulka biyaha Somalia ku wareejisay dowladda Riddada ah ee Turkiga, sidoo kalena ku suganyihiin maraakiib tira beel ah oo biyaha Soomaaliya ka gaysanaya boob aan horay loo arag iyo jariif ba’an oo ay ku sameynayaan khayraadka uu Allaah ku manneystay dadka Soomaaliyeed.