Saacadihii lasoo dhaafay kadib dhicitaanka weerarkii ay yuhuuda ku qaadeen gudaha Iran waxaa dadkii soo hadlay kamid ahaa ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, waxa uu Tehran ugu baaqay iney ka joogsato falcelin ay ka sameyso wixii ay kala kulantay dhanka maamulka isugu yeera Israel.
Waxa uu Starmer yiri mar uu warbaahinta la hadlayey ” Iran waa inaysan ka jawaabin duqeymaha Israel”.
Ra’iisul Wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay Samoa ayaa sidoo kale yiri: “Waxaan cadeynayaa in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay iska difaacdo gardarrada Iiraan, waxaana si la mid ah u cadeynayaa in aan u baahannahay in aan ka fogaano colaad kale oo gobolka ka dhacda, waxaana ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada in ay is-xakameeyaan”,
Dhanka kale xukuumada Tehran ayaa markale si cad u sheegtay saacadihii lasoo dhaafay iney sida u dhaqsiyaha badan ay uga falcelin doonto talaabadii ay habeenbarkii xalay kala kulantay xukuumada uu hogaamiyo Binyamiin Natanyaahu.
FAAFREEB PRO