Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in boqollaal katirsan maleeshiyaadka kooxda ridada ay isku soo dhiibeen , kuwaas oo kasoo tallaabay xad beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii lagu soo jabiyay dagaallo ay la galeen maleeshiyaadka maamulka ridada Jubbaland oo ka dhacay deegaanka Raaskaambooni.
Warbixin uu daabacay wargeyska The Nation oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa Kenya, ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka kooxda ridada ee kasoo tallaabay xad beenaadka ay tiradoodu gaareyso ugu yaraan 600, kuwaasoo watay hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil katirsan ciidamada saliibiyiinta Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo KDF ayaa sheegay, in maleeshiyaadkaas ay gacanta ku hayaan ay ku sameeyeen hub ka dhigis.
Xoghayaha arimaha gudaha ee Kenya ninka lagu magacaabo Omolo ayaa sheegay, iney aad u xakameeyeen boqollaalka maleeshiyaadka ah ee isku soo dhiibay, ayna qorsheynayaan sidii ay dib ugu celin lahaayeen dalka Soomaaliya.
Arintan ayaa fadeexadii ugu weyneyd ku noqotay kooxda ridada oo maalmo kahor ku hanjabeysay iney tagi doonaan magaalada Kismaayo ee uu gacanta ku hayo Murtad Axmed Madoobe, dowladda Kenya ayaana bahdilkii ugu weynaa u geystay maleeshiyaadka Soomaalida ah kadib markii ay kasoo qaaday sawirro iyagoo gacmaha taagaya, hub kadhigisna lagu sameynayo.