Wasiirka deegaanka ee dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya kooxda ridada Soomaaliya iyo maamulka ridada ee Jubaland.
Aadan Barre Ducaale ayaa shaaciyey inay dowladda Kenya wado dadaallo ay ku dhexdhaxaadinayso Axmed Madoobe iyo Xasan Gurguurte, taasoo uu sheegay in waanwaantaasi meel fiican ay hadda u marayso.
Wasiirka deegaanka Kenya murtad Aadan Barre Ducaale ayaa mar wax laga weydiiyey safarkii uu dhawaan Kenya ku tagay Axmed Madoobe ku tilmaamay inuu qeyb ka ahaa heshiiska ay wado dowladda Kenya, wuxuuna intaasi raaciyey inay Axmed Madoobe iyaga u yeereen.
Hadalka kasoo yeeray Aadan Barre Ducaale ayaa imaanaya xilli dowladda Kenya lagu eedeeyey kal hore inay gacansaar dhow la leedahay Axmed Madoobe oo ah madaxa maamulka ridada ee Jubaland, kaasi oo marwaliba oo ay is qabtaan hoggaan kasto oo ridada ah oo yimaada garab taageeero ka hela dowladda Kenya.
Arrintaa waxay sidoo kale kusoo beegmaysaa xilli dowladd ridada ee Xasan Gurguurte ay ku fashilantay isku dayo isugu jiray mid military iyo mid siyaasadeed oo ay ku qaaday Axmed Madoobe oo si weyn uga soo horjeeda hadda qorshaha doorashooyinka ee Xasan Gurguurte uu wato.