Khasaaraha Ciidanka Kuuriyada Woqooyi Kasoo Gaaray Ukrain oo Lasoo Bandhigay.

Jan 14, 2025

Sida uu daabacay wargeyska Yonhap waxaa lagu waramayaa in Tobaneeyo askar oo ka tirsan xukuumada Pyongyang lagu dilay jiidaha hore ee dagaalka tan iyo markii ay bilaabeen iney ka barbar dagaalamaan ciidanka Ruushka.

Joornaalka oo soo xiganaya hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ee NIS ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 300 oo askari oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi la dilay halka in ka badan 2,700 oo kalena la dhaawacay intii ay socdeen hawlgallada dagaalka ee ka dhanka ah Ukraine.

Waxaa intaasi sii dheer askarta aanan ilaa hadda lagu heyn raq iyo ruux toona, midaas oo ay wali ka walaacsantahay dowladda Kuuriyada Woqooyi, halka maalmo ka hor ay Ukrain sheegtay iney gacanta ku dhigtay ilaa Laba Askari oo kuuriyaan ah.

Waxaa warbixinta wargeyska Yonhap sidoo kale lagu sheegayaa in Kuuriyada Woqooyi ay askateeda ku amartay iney isdilaan hadii ay xaalada dagaal ku adkaato si ay uga fogaadaan in gacanta lagu dhigo iyagoo nool, taasoo lagu waramayo iney ziyaadin karto tirade dhimasho ee soo gaartay ciidanka Kim Jon Un.

Ugu dambeyntii waxaa lagu waramaa in ciidanka gacanta lagu dhigay ee ka tirsan Kuuriyada Woqooyi ay diidanyihiin iney dib ugu laabtaan dalkooda, iyadoona hadda xukuumada Kyev ka dalbanaya iney kusii sugnaadaan gudaha Ukrain, taasoo muujineysa in inta badan ciidanka Kuuriyada Woqooyi qaab qasab ah loogu soo guray furimaha dagaalka ee Ukrain lana soo bar bar istaajiyey askart Ruushka.

FAAFREEB PRO