Sida lagu waramayo khasaaraha dhimasho ee yuhuuda dagaalka kaga jirta gudaha dhulka Lubnaan oo sii lixaadsaday todobaadyadii u dambeysay.
Joonaalka Israel Hayom ee wax ku qora afka cibriga ayaa nashriyey warbixin uu ku cadeynayo in askarta sahaayinada ay jab balaaran kala kulmeen koonfurta Lubnaan.
Waxay xogtu sheegeysaa tan iyo bilowgii dagaalka la dilay ilaa 894 askari oo yuhuud ah, sidoo kalan ay jiraan dhaawacyo aan wali la cadeyn cadadooda rasmiga ah, balse la saadaalinayo in iyagu xitaa aysan yareyn.
Wasiir u hadlay ciidanka yuhuuda oo lagu magacaabo Alon Ben David joornaalkuna uu soo xiganayo ayaa sheegay, in askartooda ay hada ku suganyihiin xaalad khatari ay ku gadaamantahay, oo sababi karta dhibaatooyin intan ka balaaran.
Hadii 3 maalin ka hor warbixinadii soo baxay ay muujinayeen in nuqsaan balaaran ay ku timid ciidanka keyd yuhuuda, waxa hada ay cabsida xoogan ka muuhinayaan kayaanka sahaayinada ayaa ah in muddo kamdib la waayo askari ka dagalaama gudaha Lubnaan iyo marinka Qaza, hadii xaaladoodu ay sidaan ku sii socoto.
FAAFREEB PRO