Khilaafka ka Dhax Aloolsan Ruto iyo ku Xigeenkiisa Gachagua oo Cirka Isku sii Shareeray.

Sep 29, 2024

Khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Madaxweyaha Kenya William Ruto iyo Madaxweyne ku-xigeenka Rigathi Gachagua ayaa kor usii kacaya marba marka kasii dambeysa.

Rigathi Gachagua ayaa si adag uga hadlay mooshinka xilka ka qaadista ee lagu soo oogayo waxa uu sheegay in xildhibaano la siinayo lacag gaaraysa ilaa 5 milyan oo shilin si ay u taageeraan mooshinkan.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ayuu ku eedeeyay William Ruto inuu ka dambeeyo abaabulka mooshinka, isagoo xildhibaanada ku dhiirrigelinaya inay xilka ka qaadaan Gachagua​

Gachagua wuxuu ku adkeystay in isaga iyo Madaxweyne Ruto lagu doortay hal tigidh (joint ticket), taasoo micnaheedu yahay in Ruto uusan awoodin inuu shaqada ka eryo ilaa inta mudo-xileedka ay ka dhammaanayso.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Ruto inuu joojiyo siyaasadaha ka dhan ah isaga oo ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka, gaar ahaan mashaariicda dhanka beeraha sida qaxwaha iyo shaaha​ waa sida uu hadalka u dhigee.

Qilaafka soo kale dhex galey madaxweynaha iyo madaxweyna ku xigeenkiisa ayaa ka dhex abuuray qal qal xizbiga talada haya ee Kenya iyadoo sidoo kale laga filan karo Gachagua inuu isaga qudhiisa isku dayo inuu xilka ka qaado Ruto, inkastoo uu taageero badan u baahan yahay.

FAAFREEB PRO