Waxaa meeshii ugu saraysay gaaray khilaafka udhaxeeya jabhada TPLF iyo Abiy Axmed, kaas oo ka dhashay xukumada Addis Ababa oo diiday in sharciyadii hore ay usoo celiso xisbiga Tigreega.
Gudiga doorashooyinka Itoobiya ayaa sheegay in TPLF loo diiwangalinayo in ay yihiin xisbi cusub, balse kooxda ayaa kasoo horjeesatay sheegatayna in aysan aqbali doonin .
Jabhada Tigreega ayaa tilmaamtay in hadii dowlada Itoobiya ka dhaga adeegto dalbkooda ah in ay usoo celiyaan sharciyadooda hore ay burinayso heshiiskii sanadkii 2022 ay ku gaareen Koonfur Afrika.
“In TPLF lagu Aqonsaday wareegto cusub ama si horleh lo diwaan galiyay waxay ka dhigan tahay in la jabiyay heshiiskii Pretoria, hadii kale waa in sharcigeenii hore dib Na logu soo ciliyaa” ayuu yiri Debretsion G/Michael oo ah gudoomiyaha TPLF.
Gudiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegay in shirka magaalada Maqaalla uga socda xisbiga TPLF aysan aqoonsaneyn qodobada kasoo baxa.
Dhanka kale Dowlada Itoobiya ayaa weerar afka ah ku qaadayTPLF, iyadoo sheegtay in ay qaadi doonta mas’uuliyada ka dhalata khilaafka hada taagan. “Waa tallaabo amnigii shacabka Tigreegu haystee meesha ka saarreysa.Waa hab dhaqankii guracnaa ee lagu yaqaanay TPLF.Wixii ka dhashana iyagaa masuuliyadda qaadi doona.” sidaasi waxaa yiri wasiirka Warfaafinta xukumada Addis Ababa Legese Tulu.
Markale waxaa Waqooyiga Itoobiya kasoo muuqanaya ififaallo muujinaya in gobolka ka qarxi karo dagaal kale,iyadoo shacabka Tigreega ay wali dhibane u yihiin colaadii qaraxday sanadkii 2020.