Koox Iraniyiin ah oo Isku dayday Jabsiga Akoonada Biden.

Aug 24, 2024

Koox sameysa jabsiyada Internet-ka ayaa saacadihii lasoo dhaafay isku dayey iney u dhacaan akoonada muhiimka ah ee uu baraha kala duwan ee Internet-ka ku leeyahay madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden.

Kooxdan ayaa la sheegay iney kasoo jeedo dalka Iran, waxaana muhiimadooda guud lagu sheegay iney doonayaan iney xukuumada Tehran u gacan galiyaan xogaha muhiimka ah ee quseeya doorashada dhawaan la filayo iney ka dhacdo gudaha Mareykanaka, si ay faragalin balaaran ugu yeelato labada dhinac ah waa dhanka Jamhuuriyiinta iyo dumuquraadiyiintee.

Mid kamid ah aaladaha gaarka ah ee la isku dayey iney lagala wareego Joe Biden waa akoonkiisa What’sapp, waxaana la sameeyey isku dayo dhowr ah oo ladoonayey in lagu Hack-gareeyo, iyadoona fariimo loo dirayey dadka isaga ka ag dhaw ee u ah caawiyaasha gaar ah, waxaana la iskaga dhigay koox ka socota shirkada Google iyo qeyb kamid ah Microsofta, isla markaana dooneysa iney adkeyso amaanka xaga Internet-ka ee akoonka Joe Biden, waana sida ay tibaaxeyso shirkada Meta oo ah milkiilaha aaladaha What’sapp, Instagram iyo Facebook.

FBI Mareykanka ayaa sheegtay in dhanka kale ay kooxdan waday dadaalo ay ku dooneysay iney ugu dhacdo akoonada muhiimka ah ee xisbiga jamhuuriyiinta si gaar ah kuwa Donald Trump, balse la sameeyey ka hor tag adag waa sida ay hadalka u dhigeene.

Iran ayaa u muuqata mid sii laba jibaareysa beegsiyada xaga Internet-ka ee ay ku heyso Mareykanka, si ay faragalin xoogan ugu yeelato maalmaha soo aadan doorashada madaxtinimo ee ka qabsoomi doonto wadankaas, islamarkaana ay qalalaaso uga dhax abuurto xisbiyada kala duwan eek u loolamaya korsiga.

Kusoo biir bareheena Telegramka 👇

https://t.me/Faafk4

https://t.me/Faafk5