Murtad Cabdullaahi Fartaag oo ah Wasiirka Amniga kooxda ridada Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay khilaaf wali u dhaxeeya kooxda ridada ee Axmed Madoobe.
Fartaag ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay dhawaan magaalada Raaskambooni uu soo qaaday Axmed oo duullaan ku ahaa ciidamo uu sheegay inay halkaasi geeyeen, balse ciidankooda ay halkaasi dib uga gurteen markii dagaalka uu dhacay.
Wuxuu intaasi raaciyey in wali ay u qorsheeysan tahay kooxda ridada inay la dagaalamaan Axmed Maboobe oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin ka falaagoobay nidaanka Xasan Gurguurte.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay murtad Fartaag dagaal dhawaan ka dhacay magaalada Baardheere Gedo, isagoona eeda dagaalkaasi dusha ka saaray Axmed Madoobe inuu ka danbeeyey.
Wuxuu ku eedeeyey inuu Axmed Madoobe maalmihii lasoo dhaafay abaabul dagaal uu ka waday degmooyin ay ka mid ahayd Baardheere taasoo uu sheegay inuu kaga soo horjeedo kooxda ridada Soomaaliya.