Kooxda Gurguurte oo xabsiga Utaxaabay 100 Ganacsato Ah

Aug 29, 2024

Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay xabsiga utaxaabtay ganacsato badan oo ka biya diiday lacagaha baada ah ee lagu soo rogay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Kooxda Ridada Soomaaliya murtad Cabdiqafaar Xaange ayaa sheegay in ay soo qabteen ilaa boqol ganacsato ah oo kaso horjeestay awaamirta lagu boobayo hantidooda.

Wuxuu sheegay in ay isticmaalayeen xeelado kale oo ay kaga baaqsan karaan in looga qaado canshuur ku sheegaasi.

“Dad badan oo isku dayay inay ka leexdaan waddadii loogu talagalay canshuurta ka leexday, isla markaana isticmaalayo lamaro gaar ah ayaa soo baxay maanta an idin la hadlayo waxaa xarumaha dowladda la horkeenay dad ka badan 100 qof oo lagu qabtay iyaga oo ku ganacsato lambaro oo ka leexday Merchant”. ayuu yiri murtadkaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga soo horjeestay lacagaha baada ah ee ay kusoo rogtay Kooxda Ridada Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu boobo hantida umada, qorshahaas oo laga soo meersaday waxa loogu yeero IMF iyo World Bank.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa todobaadkaan digniin kama danbays ah siiyay shirkadaha ku lugta leh boobka dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed ee uhogaansamay awaamiirta ridada , iyadoo dhanka kale shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay hantidooda badbaadsadaan oo ay kula baxaan mudo todobaad ah .