War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee kooxda Riddada Somalia, ayaa waxay diblomaasiga ku eedeysay inuu ku kacay “hawlo aan la socon karin doorkiisa diblomaasiyadeed”. Sida ay hadalka u dhigtay.
Ninkan lagu sheegay Diblomaasiga oo lagu magacaabo Cali Maxamed Aadan oo la taliye ka ah safaaradda dowladda saliibiga ee Itoobiya ee Muqdisho ayaa si rasmi ah loogu amray in uu Soomaaliya uga baxo muddo 72 saac gudahood ah.
Kooxda Riddada Somalia ma aysan sheegin falalka lagu eedeeyay sarkaalkan, balse warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “falalkan ninkan uu ku guda jiray waxay ka dhigan yihiin jebinta heshiiskii Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed”,
Saraakiil ka tirsan Mamulka Riddada ee Xassan Maxamuud ayaa iyagoo magacooda qariyay u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta soomaalida in ninkan oo loo yaqaan “Cali Garre” uu yahay Kornayl ka tirsan sirdoonka milateriga Itoobiya.
Saraakiishan ayaa warbaahinta u sheegay sarkaalkan uu socdaalo ku tagay qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira isagoo gabaad ka dhiganayay kaarkiisa diplomaasiyadeed.
Diblumaasigan oo la sheegay in uu hadda ku sime ka ahaa safaaradda Itoobiya ee ku dhextaal madaxtooyada kooxda Ridada ee Muqdisho, ayaa ah ninka sida dadban u maamulayay maamullada Riddada sida Jubbaland iyo Koonfur-galbeed, maalmihii u dambeeyay na uu socdaalo kusoo maray deegaannada labadaasi maamul.
Intii uu safarrada ku marayay deegaannada maamulladaasi waxaa lasoo wariyay in uu kulamo la qaadanayay oo uu shirinayay siyaasiyiinta deegaannadaasi, Itoobiya ayaana ah tan gacanta ku haysa maamulka iyo amniga maamullada Riddada ah.
Bilooyin ka hor ayay ahayd markii kooxda Riddada ah ay sidan oo kale usoo saartay warqad ay ku farayso in albaabada la isugu laabo qunsuliyadaha dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka kala ah Garowe iyo Hargaysa, taasi oo keentay in lagu maadeysto xukuumadda Riddada, qunsuliyadihiina ilaa maanta ay iska furanyihiin, kooxda Riddada ahna aysan awood u lahayn inay albaabada isugu laabto.
Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda saliibiyadda Itoobiya, kaasi oo ku aadan amarka kasoo baxay kooxda Riddada ee uu madaxa ka yahay murtad Xasan Gurguurte.