Kooxda Ridada oo Garoonka Muqdisho Maanta ka Celisay Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno Murtadiin ah.

Sep 19, 2024

Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u billowday inay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ka celiso siyaasiyiin iyo xildhibaanno murtadiin ah oo ku jeeday dhanka magaalada Baydhaba ee xarunta u ah maamulka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Koonfur galbeed.

Xildhibaanad Sareedo Mohamed Cabdalla oo ka mid xubnaha golaha dawaaqiidda ee baarlamaanka Riddada, ayaa maanta sheegtay in laga hor istaagay inay ka duusho garoonka Muqdisho, waxayna sheegtay in laga reebay diyaarad ay ku tagi lahayd magaalada Baydhaba oo ah halka laga soo doortay.

Arrintan ayaa daba socotay kaddib markii la sheegay madaxda Riddada ay garoonka Muqdisho geeyeen liis ay ku qoranyihiin magacyada xubno siyaasiyiin iyo xildhibaano murtadiin ah, kuwaas oo qorshaha ahaa in laga hor istaago inay u safraan dhanka magaalada Baydhaba.

Waxay sidoo kale tani imaanaysaa xilli xiisadda u dhaxaysa maamullada Muqdisho iyo Baydhaba ay faraha kasii baxday, saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ay qaabishay mucaaradka maamulka Koonfur-galbeed.

Xubnaha ay qaabishay safaaradda dowladda saliibiyadda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ay kooxda Riddada ah u diyaarinayso inay qabtaan hoggaanka maamulkaasi, si ay meesha uga saaraan Laftagareen oo uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo.

FAAFREEB PRO