Daa’uud aweys Jaamac oo ah wasiirka warfaafinta kooxda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa wareysi uu siiyey mid kamid ah warbaahinada reer galbeedka waxa uu si cad ugu sheegay in Itoobiya ay u ogolyiihiin bada hadii ay yihiin kooxda ridada Soomaaliya.
Waxaa murtadkan wax laga weydiiyey hadal maalmo ka hor kasoo yeeray wasiirka arimaha dibada Turkiga oo ahaa in Itoobiya loo ogolaanayo qeyb kamid ah badda Soomaaliya, markaas ayuu Daa’uud ku jawaabay hadal cad oo ah in xabashida bada qeyb laga siinayo “waliba iyadoo loo turayo Itoobiya oo aanan leheyn wax bad ah” waa sida uu hadalka u dhigee.
Waxa uu ninkan hadalkiisa sii raaciyey isagoo doonaya in shacabka Soomaaliyeed uu indhaha caro kaga seyro in bixinta marin badeed uusan hayan wax dhaafsiisan ganacsi.
Waxa uu kale uu murtadkan ka dhawaajiyey in arin caadi ah ay tahay iney heshiis kale oo xaaraan ah ay la galaan xukuumada Abey Axmed, taasoo ay shacabka Soomaaliyeed ay intiisa badan u cadeysay in Xasan Sheikh kaliya uu rabay in isaga lasoo maro ee uusan ku jirin dareen ah in nasaarada xabashida uu dhulkiisa ka dhacsado.
Waxaa sidoo kale durbadiiba baraha kala duwan ee Internet-ka qabsaday hadal-heyn xoogan oo ku saabsan waxa uu ka dhawaajiyey wasiirka ridada ugu magacaabay warfaafinta, waxaana la dhisay Hashtag-yo loogu magacdaray “Marin badeed micneheedu ma ahan wax ka baxsan ganacsi”