Kooxda Ridada oo Lasafatay RSF Cadeysana Mowqifkeeda ku Aadan Dagaalka Suudaan.

Oct 2, 2024

Kooxda Ridada soomaaliya ayaa markii ugu horraysay caddaysay mowqifkeeda dagaallada suudaan iyadoona lasafatay maleeshiyaadka Imaaraatku taageero ee xasuuqa ka wada wadankaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay kooxda Riddada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay duqeyn la sheegay in lagu qaaday dhismaha safaaradda dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta ay ku leedahay magaalada Alkhurduum ee caasimadda dalka Suudaan.

Warka kasoo baxay wasaarradda arrimaha dibadda kooxda Riddada Soomaaliya ayaa lagu muujiyay in lacambaareynayo ciidanka melleteriga xukuumadda dabadhilifka suudaan ee dagaalka adag kula jira maleeshiyaadka Janjawiidka calooshood ushaqeystayasha ah ee Imaaraatku taageero.

Kooxda ridada ayaa si cad isku barbar taagtay duullaanka Imaaraatka Carabta ee wadanka suudaan arrinkaas oo muujinaya qar iska xoornimada siyaasadeed ee Xasan Gurguurte isagoo isku dhaxtuuray colaadda ka holcaysa wadanka suudaan isagoo utaag la’ xiisadaha ka jira geeska afrika oo uu qeyb ka yahay.

Sidoo kale maamulka Ashahaadda ladirirka isku magacaabay Somaliland ayaa isna soo saaray bayaan uu kula safanayo Imaaraatka Carabta iyo maleeshiyaadkiisa ka dagaallamaya dalka suudaan.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in eedaynta ay dowladda Imaaraatka iyo xulufadeedu u jeedinayaan taliska Jeneraal Alburhaan ay uga jawaabayaan 4tii sarkaal ee isbuucii lasoo dhaafay looga dilkay dalka suudaan arrinkaas oo banaanka soo dhigay ku lug lahaanshiyaha xukuumadda abuu Dubai ee dagaallada ka holcaya wadanka suudaan.

Weerarka oo ka dhacay magaalada Niyaala ee gobola Daarfoor ayaa lagu dilay askarta kala ah Caarif Axmed Maxamed Raashid al-Shihi
oo ahaa sarkaal, Nahayaan Cabdullaahi Axmed al-Marzuqi oo ahaa Askari, Cabdicasiis Saciid Sibt al-Tamiimi oo ahaa Askari Naasir iyo Maxamed Yuusuf al-Baluushi oo ahaa askari.

Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay wasaarradda arrimaha dibadda xukuumadda Suudaan ayaa lagu beeniyay wararka ay faafinayaan Imaaraatka Carabta iyo xukuumadaha qabbaanka u ah, Suudaan waxay beenisay in ay duqeysay dhismaha safaaradda Imaaraatka Carabta oo kal hore loo raray magaalada Port Suudaan balse ay duqeysay saldhig ay maleeshiyaadka calooshood ushaqeystayaasha RSF ka sameysteen dhisme kuyaal magaalada Khurduum laakin lahuwiyay shaar diblumaasiyadeed.

Waxaa xusid mudan in kooxda riddada aysan weligeed aysan ka hadlin xasuuqa daran ee maleeshiyaadka Imaaraatku taageero ay ka geysanayaan wadanka suudaan.

FAAFREEB PRO