Kooxo Xagjiriin oo Ku hanjabay inay weerari doonaan Masaajida Minneapolis

Dec 15, 2024

Kooxo Xagjiriin ah ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan masjid wayn iyo dugsiyo Qur’aanka lagu barto oo kuyaal gudaha magaalada Minneapolis ee carriga Maraykanka: FF

Jamaacada masjidka Abuu Bakar As-siddiq iyo arday kumannaan ah oo wax ka dhigta madaarista Qur’aanka kariimka iyo xarumo kale oo waxbarasho oo kuyaal masjidkaas ayaa wajahaya farriimo handadaad ah oo kaga imaanaya kooxo xagjiriin ah oo islaam nacaybku ku fogaaday.

Maamulka masjidkaasi iyo sidoo kale Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cumar oo ah imaamka masjidka oo dhankooda warbaahinta hadlay waxay sheegeen in booliiska Minneapolis ay kusoo wargeliyeen inay jiraan fariimo hanjabaad oo ka dhan ah jamaacada masjidka iyo ardayda madaarista kala duwan ee masjidkaasi.

Waxay sheegeen in cabsida jirta awgeed Sabtidii shalay iyo Axada maanta ah la hakiyay duruusta dugsiyada qur’aanka, maraakizta, macaahidda iyo sidoo kale jamaacadda kutaal masjidka, jamaacada masjidkaasina lagu wargeliyay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Magaalada Minneapolis ee ka tirsan gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu ku badan tahay waxaa weeraro ka gaysta kooxo xagjiriin ah, kuwaas oo dhowr jeer gubay masaajid ay musliintu leeyihiin oo kuyaal magaalooyinka kala duwan ee gobolkaasi.