Ku Dhawaad 20 Ruux oo ku Dhintay Dagaallo ka Dhacay Gudaha Dalka Kenya.

Oct 13, 2024

Degaano ka tirsan Gobolka Tana River ee ku yaal xeebaha Kenya ayaa waxaa ka dhacay dagaalo ba’an oo u dhexeeya qabiilo dega deegaankaas, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan 19 qof iyadoo ay boqolaal qoysna ka qaxeen degaanaadaas.

Dagaaladan dhiiga badan uu ku daatay ayaa u dhaxeeya Qabiilada kala ah Orma iyo pokoma kuwaas oo sida warbaahinta Kenya ay sheegtay isku heesta dhul beereed, dhul daaqsin iyo meela biya fadhi ah oo xooluhu biyaha ka cabaan.

Guddoomiyaha gobolka Tana River ninka lagu magacaabo Dhadho Godhana iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Kenya ayaa lagu eedeeyay inay qayb ka yihiin hurinta colaadahan, kuwaas oo qaarkood oo ay ka mid yahihiin gudoomiyihii gobolka Dhadho Godhana iyo xildhibaan kasoo jeeda degaanka oo lagu magacaabo Hirabe Said Boya.

Sidoo kale afhayeen u hadlay waaxda dambi baarista dalka Kenya oo lagu magacaabo Mohamed Ibrahim Amin ayaa sheegay in masuuliyihiintan ay qayb ka yihiin hurinta dagaal qabiileedkan.

Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in qaar ka mid ah degmooyinka Tana River loo aqoonsaday goobo halis ah oo an la tagi karin.

Xaaladda gobolkan ayaana weli kacsan iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaaladu ay sii xoogaystaan ayna dhintaan dad intaan ka badan.

FAAFREEB PRO