Wararka ka imanaya dalka Congo ayaa sheegaya in ku dhawaad 3,000 oo qof ay ku dhinteen dagaallada ka socda dalka Congo ee dhex-maraya ciidanka jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada kasoo hor-jeedda ee loo yaqaan M23, sida uu war-fidiyeenka u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan hey’ad-gaalleedda la baxday Qaramada Midoobay.
Dagaalladan uu dhiigga badani ku daatay ayaa usbuucyadii u dambeeyey ka socday gobolka macdanta hodanka ku ah ee bariga dalkaasi ee Kivu, gaar ahaan gudaha iyo hareeraha magaallada Goma oo ay gacanta ku dhigeen fallaagada hubaysan ee ay taageerto Rwanda ee M23.
Vivian van de Perre, (Fifiyan Feende Bee) oo ah ku xigeenka madaxa howlgalka hey’ad-gaalleedda Qaramada Midoobay ee Goma, ayaa iyada oo wariyaasha kula hadleysa muuqaalka tooska ah ee fogaan-aragga sheegtay in ilaa iyo hadda la helay maydadka ilaa 2,000, halka 900 oo kalena maydadkoodu ay ku jiraan filinjeerrada cisbitaallada.
Mas’uulkan ka tirsan UN-ka ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in la filan karo sare-u-kac ku yimaadda tirada dhimashada, maadaama ayay tiri ay jiraan Meydad tiro beel ah oo ku qurmay meel badan, isla markaana laga walaacsan yahay in ay ka dhashaan cudurrada faafaa.
Rabshadahan sii kordhaya ayay sidoo kale sheegtay in ay horseedeen dhibaatooyin aad u weyn, waxaanay carabawday in ku dhawaad 2,000 oo qof oo rayid ah ay barakaceen, isla markaana deggaannadii ay gabbaadka ka dhigteen laga cabso qabo in cudurro ay ka dillaacaan.
Sidoo kale ilo-wareedyo soo tebinaya dhibaatooyinka ka dhashay dagaalladaasi ayaa sheegaya in boqollaal maxaabiis haween ah la kufsaday, noloshana lagu gubay usbuucii hore kadib markii fallaagada M23 ay la wareegtay gudahana u gashay magaallada Goma.
Qaybo ka mida warbaahinta caalamka ayaa qoraysa in khubarada iyo falanqeeyayaashu ay walaac xooggan ka muujiyeen in Rwanda oo qayb ka ah colaaddan ay doonayso inay gacanta ku dhigto qaybo ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) si ay wax uga hesho macdanta uu dalkaasi hodanka ku yahay.
Bishii Janaayo bilawgeedii, ayay ahayd markii fallaagada M23 oo taageero ka helaysa ciidamada Rwanda ay weerar ballaaran ku qaadeen gobolka macdanta qaniga ku ah, iyagoo 27-kii Jannaayo ku dhawaaqay in ay qabsadeen magaallada Goma ee caasimadda gobolka Waqooyiga Kivu oo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay Hal Milyan oo qof.