Sida lagu waramaya gudaha dalka Suudaan saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaad 1.4 milyan oo qof ayaa ku saamoobay daadad ku dhuftay Koonfurta wadankaas.
Xogaha ayaa sheegaya in nafta ay waayeen ilaa 380 ruux oo Suudaaniyiin ah, halka kuwa kalana wali la weysanyahay halka ay cirib iyo jaan dhigeen.
Sida ay sheegtay hay’ada QM u qaabilsan arimaha qoxootiga Suudaan Koonfurta wadankaan oo aad ugu nugul khatartaraha kala duwan ayey hada mar kale kusoo wajahanyihiin fatahaado xoogan oo aanan dhicin Tobanaankii sano ee lasoo dhaafay.
Xafiisku QM waxa uu intaa ku daray hadal uu soo saaray saacadihii lasoo dhaafay in in ka badan 397,000 oo qof ay ka barakaceen kaliya 22 degmo oo dhaca dhanka koonfureed ee Suudaan, taasoo muujineysa halista ka jirta dhankan.
Wadankan ay dagaaladu halakeeyeen ayaa hada dhanka kale wajahay roobab iyo dabeylo xoogan wata oo sida ay tirakoobyadu marwalba ay soo tabinayaan muujinaya in naftu ay waynayaan tobaneeyo Suudaanyihiin ah, halka kuwa kalana ay hada yihiin bilaa hooy iyo daryeel xumo cafimaad.
FAAFREEB PRO