Ku Xigeenka Axmed Madoobe Oo La Kulmay Taliyaha Ciidanka Itoobiya.

Dec 14, 2024

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland, murtad Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno wasiiro ah oo qayb ka ah wafdigiisa ayaa magaalada Addis-Ababa ee xarunta u ah dalka Itoobiya kula kulmay taliyaha ugu sarreeya ciidamada xabashida Itoobiya.

Maamulka uu madaxa u yahay murtad Axmed Madoobe ayaa faafiay sawirro laga soo qaaday kulan dhexmaray Maxamuud Sayid oo ah ku xigeenka madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, wasiirka beeraha Axmed Baraaki wasiirka wasaaradda isgaarsiinta maamulkaaasi Mascuud Cabdullaahi iyo Birhanu Jula oo ah taliyaha ciidanka nasaarada xabashida Itoobiya.

Kulanka dhexmaray Birhanu Jula taliyaha ciidanka dowladda xabashida Itoobiya iyo masuuliyiinta ka socotay maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, ayaa qayb ka ah dedaallada taageero u raadinta dagaalka uu maamulkan kula jiro kooxda Muqdisho, kulanka ayaana kusoo beegmaya xilli uu gacan ka hadal gaaray xiisadaha u dhaxeeya maamulkaasi iyo kooxda Riddada Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladda xabashida Itoobiya ay diyaarado sida hub iyo saanad ciidan ka dejisay magaalada Kismaayo, waxayna horay usii qaadeen Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Riddada, waxayna gaysay Addis-ababa, si uu taageero hor leh ugu raadiyo dagaalka uu maamulkiisa kula jiro murtad Xassan Gurguurte.