Pyongyang ayaa kasoo jawaabtay hadalkii Mareykanka iyo xulafadiisa dhawaan ay ku sheegeen iney ku doonayaan burburinta nidaamka Nukliyeerka Kuuriyada Woqooyi.
Sida uu baahiye wargeyska Al-Sharqul Awsat dowladda Kuuriyada Woqooyi ayaa war kasoo saartay dhawaaqii maalma ka hor kasoo yeeray wasiirada arrimaha dibada wadamada Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed xilli ay ku sugnaayeen dhirka amniga aduunka oo ka qabsaamay dalka Jarmalka.
Sida aan xusuusan madaxdan ayaa ka dhawaajiyey iney doonayaan baabu’inta awooda nukliyeer ee Pyongyang, balse Kuuriyada Wooqyi oo saacadihii lasoo dhaafay soo jawaabtay ayaa sheegtay ineysan midaas sinaba u dhici doonin, taa badalkeedna ayba hada wadaan qorshe ay kusii xoojin karaan awoodooda Nukliyeerka.
Wasaarada arrimaha dibada Kuuriyada Woqooyi ayaana qorshaha Mareykanka ku tilmaantay mid qadiimi ah oo uu sinaba caqliga u qaadan karin, inuu rumoobo iskaba daayee.
Midan ayaana hadda u muuqata mid kala fogeyn doonta isku soo dhawaanshiyaha siyaasadeed ee laga saadaalinayey dhinacyada sameyn doonaan waa Kim Jon-un iyo Donald Trump ee, xilli madaxa aqalka cad uu maalmo ka hor muujiyey halka cilaaqaad ahaan ay kala marayaan iyaga iyo xukuumada Pyongyang.
FAAFREEB PRO