Kuuriyada Waqooyi ayaa riday ganaalo hor leh xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu booqday Kuuriyada Koonfureed.
Sida uu nashriyey wargeyska Ameerikaanka ah ee Newyork Post xukuumada Pyongyang ayaa saacadihii lasoo dhaafay tijaabisay dhowr gantaalood oo nuuca Hypersonic kaas oo ay xukuumadu sheegtay iney ugu tala gashay inuu gaaro bartilmaameedyada fog-fog ee Pacific-ga.
Dhanka kale Antony Blinken oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa saacado ka hor booqasho ku tagay Kuuriyada Koonfureed, isagoo ka digay in Pyongyang ay si dhow ugala shaqeyneyso Ruushka teknoolajiyada casriga ah ee hawada sare, sidaa darteedna ay haboontahay iney Seol muujiso feejignaan dheeri ah.
Kim Jon Un ayaa la sheegay in tijaabadaan uu xilligan ugu soo aadiyey si Mareykanka iyo xulafadiisa ay u arkaan in Pyongyang ay ku jirto heegan buuxa, maadaama Labada kuuriyo xurgufto aad sii lixaadsaneyso maalmahan reer galbeedka dhakiisan uu wax walba ka filan karto xukuumada Kuuriyada Woqooyi.
FAAFREEB PRO