Lacagta Liiraha ee laga isticmaalo dalka Suuriya ayaa markii ugu horraysay qiimo sare yeelatay tan iyo markii lariday nidaamkii mujrimka ahaa ee Aala Asad iyo dhaqaalaha wadankaas oo sameynaya kobac xoogan.
Sida ay daabacday saxiifada The Independent ee kasoo baxda dalka Ingiriiska waxaa qiima fiican yeelatay lacagta rasmiga ah ee Suuriya midaas oo ay horay dhulka ugu dareen qoyskii reer Asad, waxaana hadda lagu waramayaa in 12,500 ilaa 13,000 oo Liiro uu yahay halkii dollar.
Iyadoona meelaha qaar xitaa 40,000 oo Liiro uu gaaray halkii Dollar sida magaalada Xalab oo kale, walow hadda uu dib usoo laabtay qiimahaas, warbixinta ayaana sheegeysa in waqtiyada soo aadan la filanayo in sarifka uu sameyn doono isbadal ka balaaran midkan dibna ay usoo laaban doonto haybadii lacagta Suuriya ay ka lahayd suuqyada caalamka gaar ahaan kuwa carabta.
Waxaa dhanka kale lagu waramayaa in gudaha dalka Suuriya markan laga dareemayo ganacsi xoogan iyo kobac dhaqaale, waxaana suuqyada kala duwan ee wadanka ka socda ganacsiyo bulshada Suuriya ee ay dagaaladu ragaadiyeen u horseedi kara iney markale kusoo laabtaan Suuriyadii hore ee safka Koowaad uga jirtay dalalka wax soo saarka leh gudihiisana ku filan khaarijkana wax geeya.
FAAFREEB PRO