Lataliyaha Abey Axmad oo Sheegay in Puntland iyo Somaliland Ay ku Biirayaan Itoobiya.

Sep 21, 2024

Prof. Brook Hailu oo ah La taliyaha R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sidoo kalana horay usoo noqday Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyey dalka Faransiiska ayaa mar uu wareysi siiyey mid kamid ah Tv-yada dalka Itoobiya wuxuu ka hadlay xaalada dalka Soomaliya.

Wuxuu sheegay inuu Somaliland iyo Puntland ay qarka u saaran yihiin inay ku biiraan Itoobiya.

Wuxuu tilmaamay in Somaliland ay horay isugu dayday inay ku biirto Itoobiya xilligii malez senawi uu talada hayey, haddana ay u qorsheysan tahay.

Sarkaalkaan Itoobiya wuxuu intaasi raaciyey in Puntland ay kasoo horjeesatay in Soomaliya la keeno ciidamo Masaari ah, taasna ay ka xanaaqday, ayna hadda qorsheynayso inay Soomaliya ka go’do kadib markii ay is khilaafeen xukumada Xasan Sheekh.

Wuxuu kaloo sheegay in maamul gobaleedyo kale ay ka dhismi doonaan Soomaaliya kuwaasi oo kasoo horjeedo Xasan Sheekh.

“Somaliland way baxday sida aan aminsanahay, mar danbana kuma soo labaneeyso somaliya.

Puntland xittaa staraatiijiyadeedii way badashay, waxayna aad uga xunyihiin in dowladda Soomaaliya ay wadankeeda ugu yeerto Masar, si adag ayeyna uga soo horjeedaa arrintaasi, waxayna hadda ka fikireysaa inay “xornimo” qaadato, si lamid ah sida Somaliland oo kale.

Sida aad horay u tilmaamtay 20 sano ka hor waxay ka fikirayeen inay Ethiopia ku biiran waqtigii malez senawi, haddana wax walba ayaa dhici kara.

waxa I waydisay waxa la filan karo 5 ila 10 sano kadib, waxa laga yaabaa inaan aragno dowlad goboleedydo cusub oo curta sida kuwa hadda jira oo kale.

Somaliland Horay ayey u goosatay, Puntland inay goosato ayaa laga yaabaa, Hirshabele lama oga Iyana xilliga ay goosan doonto.

Waxaa dhici kara xittaa in Somaliland iyo Puntland ay ku biiri karaan Ethopia, wax ka hor istaagayana ma jiraan ” ayuu yiri..