Warbixin ay nashrisay majalada Le Monde ee kasoo baxda dalka Faransiiska ayaa ciwaan looga dhigay “Khartuum gees walba waxaa ka dhacay dhimasho” waxaana diirada lagu saaryaa xaalada Suudan iyo sida dagaalkan uu ugali doono mudooyinka soo aadan waji cusub.
Warbixintu waxay sheegeysaa in colaada ka holceysa gudaha Suudan ay luga lasii galeyso marxalad hor leh oo la dhihi karo waxay ka adkaan doontaa dhamaan maraaxishii lasoo maray mudada uu dagaalku socodo.
Xogtu waxay sheegeysaa in ay kala dhaqaaqeen oo ay waraqadaha heshiiska diideen dhinacyada loolamaya, taas badalkeedna ay millitariga Sudan iyo kooxda RSF ay sameynayaan isubeyn hor leh, waana sababta ay warbixintu u leedahay dagaalka Suudaan waa mid gali doona waji cusub.
Dhanka kale wargeyska ayaa sheegaya in dhimashada shacabka Suudaaniyiinta ay wali halkeedii kasii socoto, gaafaha wadooyinka caasimadana ilaa hada lagu arkayo meydad badan oo daadsan, waana xaalada quusta ah ee ka jirta gudaha wadankan dhaca waqooyi Bari qaaradan Afrika.
FAAFREEB PRO