Waxa ay Muslimiintu dagaal kula jiraan ‘cadawga dhaw’ oo ah maamullada dabadhilifka ah ee gaalada u adeega ee ka dhisan dhulalka Islaamka iyo ‘cadawga fog’ oo ah Maraykanka iyo xulafadiisa.
Dhammaadkii sannadkii 2021kii ayay ururka Daalibaan la wareegeen xukunka dalkooda, ka dib dagaal socday muddo labaatan sannadood ah oo ay la galeen Maraykanka iyo xulafadiisa isbahaysiga NATO.
Guushaa weyn ee u soo hoyatay dadka reer Afghanistan, waxa ay warwar xooggan ku abuurtay gaalada ku soo duushay Soomaaliya iyo adeegeyaashooda af Soomaaliga ku hadla. Qaylodhaan ayay gaalada iyo gaaloraacu afka furteen, iyaga oo sheegey in Soomaaliya ay noqon doonto Afghanistanta Afrika (next Afghanistan).
Iyada oo haddaba qaylodhaantaas laga jawaabaayo, xukuumadda Xamar ee uu hoggaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud waxa ay duullaan cusub ku qaadday dhulka ay Al Shabaab maamulaan badhtamihii sannadkii 2022kii. Wajiga cusub ee dagaalka xukuumadda Xassan Sheekh waxa uu ka bilaabmay gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Galguduud.
Markii uu bilaabmay duullaankan cusubi, La Taliyaha Amniga ee Xassan Sheekh ayaa sheegey in marka la gaadho July, 2024ka la soo afjari doono joogitaanka Al Shabaab ee Soomaaliya, Mar kalena, Xassan Sheekh laftiisu mar uu ka hadlaayay magaalada Dhuusomarreeb waxa uu ballanqaaday in muddo ‘shan bilood’ gudahood ah lagu soo afjari doono joogitaanka Al Shabaab ee gudaha Soomaaliya. Waxa xusuusin leh, markii duullaankani bilaabmay, waxa ay siyaasiyiinta iyo falanqeeyeyaashu ku celceliyeen, haddii duullaankan cusub lagu guuleysan waayo, in arrintaasi ay keeni doonto in Al Shabaab ay la wareegaan Soomaaliya. Hoggaanka siyaasiga ahi waxa ay ku celceliyeen in ay tani tahay fursaddii ugu dambaysay. Adeegeyaasha af Soomaaliga ku hadlaa waxa ay si joogto ah ugu celceliyeen in Soomaaliya ay noqon doonto Afghanistantii labaad, haddii duullaankani fashilmo.
Laba sannadood ka dib, caawa oo labo sano laga joogo habeenkii la caleema saaray Xassan Sheekh Maxamuud waxa ay gaaladu ka qaylo dhaaminaysaa burburka laxaadka leh ee ku yimid malleeshiyaadkii shareeca la dirirka ahaa. Waxa qayb ahaan burburay calooshooda u shaqaysteyaashii Danab, Gorgor iyo Ilaalo Qaran. Waxa dhintay kumannaan ka mid ah malleeshiyaadkan oo ay ku jiraan saraakiishii ugu sareysey hogaankooda, waxa dhaawacmay kumannaan kale, waxa ciidannimada ka baxday boqollaal, waxaana gobannimodoonka isu soo dhiibay boqollaal kale. Waxa ay gobannimodoonka Soomaaliyeed la wareegeen hubkii, gaadiidkii iyo sahaydii ciidan ee malleeshiyaadkan. Laba sannadood ka dib, caawa Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu guranayaa midhaha qadhaadh ee duullaankiisii liddiga ku ahaa dadnimada, diinta iyo dalka Soomaaliyeed.
Waa ciidamo cadaw u ah diintooda, dalkooda iyo jiritaanka dadkooda. Waa ciidamo daacad u ah ayna mushaharka siiyaan dawladihii soo tababaray, waxaanay ku shaqeeyaan talooyinka iyo rabitaanka dawladahaas gumaysiga ah. Waa ciidamo ay waajib tahay in la tirtiro, si gumaysiga rasmiga ah loo xididdo siibo. Suurtogal maaha in gumaysiga rasmiga ah la waajaho ilaa si run ah loo xididdo siibo calooshooda u shaqaysteyaasha ay ku adeegtaan. Tan ayaa siyaasad ahaan muhiim ka dhigtay, damiir ahaan xaq ka dhigtay, diin ahaanna waajib ka dhigtay dilkooda iyo dabargoyntooda.
W/Q: Nageeye Cali Khaliif